Home Opinion News Music Forums About as

ITOOBIYA IYO DABDHILIFYADA U ADEEGA 3/3/2008

Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya waxa uu cambaareyn iyo dhaleeceyn xoog leh dusha uga tuurayaa ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyada u shaqeeya oo maanta bililiqo fool xun ka geystay suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

In kasta oo falalka cadwtinomo ee ay u geysanayaan ciidamada cadawga shacabka Soomaaliyeed ay joogto tahay, hadana falka maanta waxa uu noqday kii ugu xumaa ee noociisa ah oo ay geystaan ciidamadani, waayo waxa ay boob iyo bililiqo u geysteen qeybaha kala duwan ee suuqa bakaaraha iyagoo jabsaday bakhaaraddii rartayna khasnadihii lacagta iyo wax kasta oo ay gacantooda gaartay, waxay qafaasheen dad fara badan oo ay ka mid yihiin bukaanno ku sugnaa goobaha caafimaadka waxayna dileen qaar ka mid ah kuwii afduubteen, waxay irdaha isgu dhufteen idaacadihii Muqdisho.

Caburinta saxaafadda, duqeynta aan loo meel dayin, dhaca iyo boobka hantida dadweynaha waa falal qorsheysan oo taxana ah tusinayana sida ay ciidamada cadwga uga soo horjeedaan nollosha iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Waa wax laga xumaado in kuwa Soomaalinimo sheeganya ay gacan ku siinayaan ciidamda Ethiopia fal dambiyeedyada ay u geysanayaan walaalahood, halka beesha caalamka iyo hay’adaha gobleedba ay afka iyo indhahaba ka laabteen xasuuqa, dhaca iyo barakicinta qorsheysan ee ay ciidamada cadwga ka fulinayaan dalka Soomaliya.

Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu hay’adaha kala ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay, Jaamicadda carabta, AU, OIC, EU iyo dalalka caalamkaba ugu baaqayaa inay kaalinta uga aadan ka qaataan joojinta xasuuqa lagu hayo shacbka Soomaaliyeed , haddii kale ay dhabarka u ridan doonaan musiibadii ka dhalata ficil foosha xun ee ciidamada Ethiopia ka fulinayaan Soomaaliya, iyadoo uusan marnaba Shacbka Soomaaliyeed iloobi doonin sida qaawan ee gardarrda lagula kacyo loo garbsiinayo.

Xafiiska warfaafinta & Wacyigelita


liibaan baraf
webmaster@dayaxnet.com
USA




Dayaxnet