Home Opinion News Music Forums About as

DIYAARADAHA DAGAALKA MAREYKANKA 3/3/2008

Wararka naga soo gaaray magaalada dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Diyaaradaha Maraykanka ay duqayn u geysteen Degmada Dhoobley oo sida wararka soo baxaya ay sheegayaan in magaalada ay ku shir sanaayeen Wadaado ka kala tirsan Kooxaha dagaalka ka wada magaalada Muqdisho.

Duqayntaan ayaa waxaa ay oo bilaabatay xalay abaarihii 3:00 saq dhexe ayaa dhowr gantaal ay Ciidanka Maraykanku ay ku rideen guri ku yal gudaha magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

inta la' og yahay ilaa 5 ruux ayaa ku dhawacmay oo mid ka mid ah uu garaabo yahay Duqayntaas ,weerarkan ayaa lala beegsaday guri walow gurigaa raggii la rabay in la dilo aysan ku sugnay markaas,Gantaalada ay Maraykanku soo rideen ayaa waxaa ay burburiyeen gurigii iyagoo sameeyey godod waaweyn oo gaaray ilaa 3 mitir qiyaastii, Dad waynaha ku dhaqan Dhoobley ayaa walaac ba,an ka muujiyey arintaas duqaynta ah oo ay ciidanka Maraykanku ay ka qaysteen Degmada Dhoobley


Ciidanka dalka Maraykanka ayaa duqayn waxaa ay ka gaystaan Gobolada Jubooyinka iyadoo daba yaaqadaa sanadkii 2006 dii ay duqayn xoogan ka gaysten Jazeerado iyo deegaano ku hareeraysan Degmada Dhoobley halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamadii midowga maxaakiimta islaamiga oo markaas
uu dagaal ku dhexmaray ciidamada DKFM ah oo kaashanaya ciidanka Itoobiya.

Warar aan la hubin ilaa hadda ayaa sheegay in saaka ayaa mar kale Ciidanka Maraykanku ay duqayn u gaysteen goobo ka tirsan magaalada Dhoobley ,sidoo kale dhulka Howdka ah ee ku teedsan magaalada Kismaayo iyo dhoobley ayaa waxaa la sheegayaa in saaka duqayn u geystay Ciidanka Maraykanka oo
sida laga soo wariyey dad xoolo dhaqato ah walow warkaas aan weli xaqiiqdiisa la gaarin.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaan ,mar aan isku daynay inaan xiriir la samayno Wariyaha Shababkada Wararka ee Halgan.net ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaan arinkaas noo suuroobin


XUSEEN CUMAR




Dayaxnet