Home Opinion News Music Forums About as

MID KA MIDA XILDHIBAANADA AYAA YIRI 3/3/2008

Cabdicasiis Cali Ibraahim oo horay ugu mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka, iskana casilay xilkaasi sababo la xiriir shirqoolada gumeysiga Itoobiya u maleegayo Qaranimada Soomaaliya, iyo damanaanta dowladda ee fadhiya Baydhabo oo ujeedadoodu tahay keliya xil beenaad aanan jirin, ayaa cambaareeyey bililiqeysigii ay shalay u geysteen ciidamada dowladda federaalka suuqa weyn ee Bakaaraha, wuxuuna ku tilmaamay bililiqadaasi qorshe in muddo ah lagu taamayey, oo uu soo maleegay C/llaahi Yuusuf iyo gacan yarayaashiisa.

“Wuxuushta mooryaanta ah ee dowladnimada sheeganaya xusuuqa ay geysanayaan waa in uu shacabku u midoobaaa, si wadajir ahna uga hor tagaa, ` ayuu yiri C/casiis Ibraahim Cali oo intaasi sii raaciyey in Soomaalidyu ay iyagu mar walba guuleysanayaan, loogana baahan yahay in ay wadajirkooda adkeeyaan.

“Dhibaatada ay ku hayaan shacabka kooxda dowlada sheeganaya waana ka xunahay waana ugu tacsiyeynaaya ummadda dhibka loo geysanayo, mana aha wax aan ka aamisi karno tacdiga loo geysanaayo shacabka oo ey geysanayaan dabadhilka ethopiya oo ah aargoosi aan geed loogu soo gamban, marka waxaan leenahay mooryaanta iyo madaxdooda aargoosigu ma ahan in shacabka la bililqeystee, waa in jilbaha loo dhigaa wiilasha halganka idinkula jira ee xaq u dirirka, waana daciifnimo in hantida shacabka la dhaco” ayuu yiri, wuxuuna intaasi sii raaciyey.

``Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan waa in ay Kacdoon wadaniyadi ku dhisan tahay sameeyaan, kana dhiidhiyaan qorshaha gumeysigu damacsan yahay, haddii aanan qorshahaasi laga hortegin waxaa imaan doona waxyaabo ka waaweyn, bililiqada suuqa iyo gumaadka ay geysanayaan waa tijaabo” ayuu yiri C/casiis.


Dayniile




Dayaxnet