|
RAASHIN LAGU KADIYEYO YAA CUNI KARA 3/3/2008
14 sano ayaaa laga joogaa markii wadanka K/Afrika uu xoriyada ka qaatay nidaamkii midab takoorka, hase yeeshee quursiga iyo falalka midab takoorka ah ayaa sanooyinkii lasoo dhaafay ciwaano waaweyn jaraaa'idyada dalkan u samaynayay. iminka ayay markale qaraxday fadeexad dalka oo dhan uu la gilgishey markii lasoo bandhigey video eey kaa muuqdaan dad shaqaalo madow ah, oo jilbaha ku jooga, oo cunaya raaashiin lagu dul kaadiyey. arrintani waxay ka dhacday jaamacad eey ardaydaa cadaanka u badanyihiin oo dalkani ku taala.
sida video-ga ka muuqata 5 qof oo dadka madow ee K/Africa u dhasahay oo eey 4 haween yihiin, midna uu rag yahay, oo jilbaha ku jooga, oo cunaya raaashiin lagu dul kaadshey, oo eey daawanayaan kuna qoslayaan 4 arday oo cadaan ah, oo jaamacada wax ka dhigata. video-ga ayaa waxaa duubey arday jaamacada waxka barata oo deegaan ah. jaamacada waxa eey ku taalaa xarunta gobolka Free State ee Bloemfontain. waxaana la yiraahdaaa University of Free state.
Muuqaalkani oo shalay lasoo bandhigey ayaa carro weyn ka dhalisey dalka oo dhan, iyadoo mudaaharaadyo culculus eey isla jaamacada ka dhex dhigeen kumanaan arday iyo macalimiin ah. waxaa cambaareyn xoogan usoo jeediyey dhamaan xisbiyada mucaaradka, ururada shaqaalaha, macalimiinta, hey'adaha xuquuqul insaanka iyo dowlada. waxaa la gudo galay baaritaano xeel dheer oo arrintani wax looga ogaanayo. xisbiga talada haya garabkiisa dhalinyarada ANCYL ayaa falkani ku tilmaamey fal "jaahilnimo ah, oo aan meelna ku lahayn bulsho dimoqoraadi ah".
waxaa laga cabsi qabaa in mudaaharaadyo rabshada wata eey arrintasi kiciyaan, oo cadaanka dalkani lagu ugaarsado. shaqaalaha falka lagula kacay ayaa waxa eey ahayeen kuwo xoogooda oga shaqaysta jaamacada , oo xaaqayaaal iyo dadka nadaafada ka shaqeeya ah.
Arrimha quursiga ayaa dalkani ka leh xasaasiyad gaar ah, siiba marka eey timaado in cadaan ah uu wax ku sameeyo qof madow ah, bishii hore ayay aheyd markii dalka uu la gilgishey wiil cadaan ah oo 18 jir ah oo mar kaliya toogtey 4 qof oo uu ilmo dhabarka lagu hayo ku jirro. arrintaasi ayaa carro weyn dhalisey lagu tilmaamey fal midab takoor ah, oo eey ka dhasheen mudaaharaadyo.waxaa kale oo eey carro ka dhalatay markii nin beeraleey cadaan ah uu toogasho ku diley nin madow ah, markii maxkamad la keeney oo la weeydiiyeyna uu yiri "WAXAAN U MALAYNAYAY DAANYEER". waxaana halis ku jirra wada noolaanshaha cadaanka iyo madowga oo si soo kordheysa isu maandhaafaya ficilada eey dadkaa cadaanka ah qaarkood kula dhaqmaan. xisbiga cadaanka eey leeyihiin ee mucaaradka ah DA ayaa si kulul u cambaareeyey falkani. hellen Zille oo xisbigaasi gudoomiye ka ah ayaa sheegtey in eey ka codsatay hey'ada xuquuqul insaanka ee dalka in eey baaritaano ku sameeyan falkaasi.
Dadka cadaanka ah ayaa maalgalin culus ku leh dalkani, inta baddana maamula ganacsiyada waaweyn, warshadaha, beeraha iyo mashaariic kale oo eey dowladu bixiso. waxaa sidoo kale cadaankaa daalkani lagu tiriyaa in eey yihiin dadka eey kusoo dhiiradaan dadka wax maalgasahada ee laa jinsiga ah ee wadamada galbeedka ka yimaada. sidaasi darteed dowlada ayaa ka foojigan in wax talaabo ah eey ka qaado dadka cadaanka ah, waxaa kaloo maanka lagu hayaa arrinta Zimbabwe oo markii beeraleeydii cadaanka laga eryay uu dalkaaasi yahay mid sii quusaya.
liibaan baraf
Webmaster@dayaxnet.com
USA
Dayaxnet |