Home Opinion News Music Forums About as

DAGAAL GOORDHAWEYD KA BILAAWDAY 1/3/2008

Iska horimaad xooggan ayaa waxaa uu ka bilawday agagaarka Ex-xaruntii Hore ee Wasaaradii gaashaandhiga iyo jidka warshadaha ilaa isgoyska Al-baraka oo dhamaan ka tirsan Degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.


Dagaaladan ayaa waxaa uu hadda ka soconayaa Wadada Warshadaha, jidka 30-ka iyo waxaan uu dagaalku ku soo dhawaaday Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo weliba wadadda Wadnaha.

Dagaalkaan ayaa waxaa ay Ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya ay Isticmaalayaan hubka waaweyn halka Kooxaha wax iska caabinta ay isticmaalayaan hubka garbaha laga rido sida Baasuukayaasha iyo weliba qoryaha darandooriga u dhac.

Ilaa hadda dagaalka waa uu socdaa waxaan warar hordhac oo soo baxayo ay sheegayaan in dagaalkaan uu ka dhashay khasaaro ,iyadoo kooxaha dagaala maya ay jiraan labada dhinacba dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka maanta ayaa ku soo aaday xili baryihii danbe laga dareemayey degan aasho magaalada Muqdisho. marka laga reebo weeraro Hoobiyaal ah ama dilal qorshayn oo ka dhacay Usbuucii la soo dhaafay.

Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegay in Idaacada Sima oo ah Idaacad FM ah oo ka hawlgasha magaalada Muqdisho ay ku habsadeen Madaafiic Madaafiic daan ayaa khasaaro gaarsiiyey Idaacada Simba.


xasan yare
sweden




Dayaxnet