|
FARSAMADA HAWIYE &DAROOD WAA SIDEE 1/3/2008
Sheekadaan waxey ku dhacay nin sxbkey ah oo magalaada Birmingham ku nool oo la yiraah Liban Mohamed Ali Oo Loo Yaqaan Cabdulla Nairobi isagoo ka sheekeeya dhacadii ku qabsatay garoonka the Riverside ee kooxada Birmingham oo isagu uu ugu magaca daray maalmihii iigu murugada badnaa wuxuuna ku bilaabay .
Muddo Badan ayaan raadinayey inaan Live u daawadao Kooxda kaliya ee aan Ciyaaraha Kubadda Cagta ka taageero Aduunka oo ah ARSENAL, Waxaan ku sugnaa Magaala Madaxda Labaad ee Dalkaan Ingiriiska BIRMINGHAM, Waxaan ogaaday in kooxda aan taageero ay la ciyaareyso Kooxda ka dhisan Magaaladaan looguna magac daray isla magaaladaan, in kastoo ay ay joogaan ama ka dhisan yihiin dhowr kooxood sida, Aston Villa, Birmingham Wolverhamton, iyo West Bromich, Hadana Kooxda Birmingham waxey ku dhex taal Xaafadda ay Dadka Soomaaliyeed deganyihiin oo lagu magacaabo Small Heat,
Waxaan Goostay Tigidkii waxana galay Garoonkii, waxaan ku fadhiistay, kursi markaas banaanaa, waxaan daawaday ciyaartii isla waqti yar kadib waxaa dhawac daran soo gaaray ciyaaryahanka 25 jirka ah reer Croasia EDUARDO, aad ayaan uga xumaaday dhaawacaas, runiina dadkii iga ag dhowaa oo dhan waa ka naxeen, laakiin markaan hareeraheyga fiiriyey waxaan ogaaday in dadka meesha ila fadhiya oo dhan ay yihiin taageerayaasha Kooxda Birmingham, Waxaan meel igasoo horjeeda fadhiya Taageerayaashii Arsenal laakiin waxaa laga hayaa waardiyo aad u culus oo looma gudbi karo, Anigii waxaan isku dayey inaan ciyaarta wax ka sheego balse wiilal i ag fadhiyey oo cadaan ah ayaa ii sheegay inaan aamuso hadii kalena aan meesha isaga tago.
Anigoo yaaban ayaan meeshii ka tagay, waxaan ogaaday in hadii aan dhaqaaq yar sameeyo ay nafteyda halis ku jirto waxaan aaday meeshii ay fadhiyeen Taageerayaashii kooxda Arsenal laakiin waa iisuurta gali weysay sababo la xiriira , Iyadoo tigidka lagasoo goosto Meelkale iyo iyadoo aan la ogoleyn in la isku gudbo mar hadii garoonka lasoo wada galo,
Soo noqodkeygii kadib ayaan meel gaar ah istaagay, Waxaan isku dayey inaan dhuumasho ku taageero kooxdeyda, isla markaana aan la qeybsado farxadda, Maxaase iga raacay, Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxaa goolkii Barbaraha kooxdeyda u dhaliyey Walcott Farxad darteed inta is hayn waayey ayaan boodbooday, nin xoog weyn oo Irish ah ayaa inta ii yimid Feer igu daldalay, Mid ayaa iiga dhacay daanka Bidix, waxaa iga baxay dhiig laakiin ilaahay waa i dhib yareeyey, dadkii oo dhan ayaa isoo eegay, garoonkii ayaa mar qura wada istaagay anigana isma waaline waxaan Waardiye yaashii garoonka u sheegay inaan ahay Taageere BIRMINGHAM, Boodboodkana ay aheyd ciil aan ka xumahay in la i bareejeeyo, Dadkii ayaa i raali galiyey,
markaas wixii ka dambeeyey waxaan ku jiray dhuumasho iyo inaan is ilaaliyo, Mar mar waxaa dhaceysay inaan is iloobo laakiin Ilaahay ayaa i badbaadiyey la igama dareemeynin waxaan isku dayey inaan u sacbiyo Kooxda Birmingham markey kubadda laadaanba, Arsenal waxey dhalisay Gool kale dadkii oo dhan waa wada aamuseen anigana sidii nin murugeysan ayaan hoos fiiriyey, laakiin farxadii ayaan muujin karin.
Arsenal waxaa laga dhigay Rigoore qalad ah, waqtigii ugu dambeeyey, aniga Illin ayaa indhaheyga kusoo istaagtey murugo iyo ciil dartiis, laakiin dadkii waxey u haystaan inaan farxad la ilmeeyey markii ay dhashay goolkii ayey igusoo xoomeen iyagoo dhan oo wada qeylinaya wada faraxsan waxey iigu hambalyeeyeen Bareejada Arsenal la bareejeeyey,Alla xaal og anigana anoo nafteyda ilaashanaya ayaan sacab beena camiraayey ilaa aan ka imaado xaafadii iyo dhalinyaradii aan in naqaanay, Waligey taas oo kale imasoo marin inaan xoog ku taageero Koox kale.
dayaxnet.com jodax
hiiraan.com jodax
hornafrik.com habargidir
shabeele.com habargidir
dayneele.com mursade
ceelbuur.com mursade
kee farsama fiican yaa ugu sita calanka............................................................
webmaster@dayaxnet.com
Dayaxnet |