Home Opinion News Music Forums About as

TALIYAHII DANBIBAARISTA AYAA XABSIGA 1/3/2008

Waxaa goor dhow dhaawac la gaarsiiyey Taliyihii Denbibaarista Xabsiga Dekeda Boosaaso Dhame Jooker xili uu ka soo baxayayey gurigiisa halka wararka kale ay sheegayaan in Sarkaalku uu ka soo baxay Dekada Magaalada Boosaaso ,ilaa hadda lama yaqaan kooxda weerarka ku qaaday taliyaha iyo u jeedadad ka danbaysa.

Taliyaha ayaa tacshiirada la huwiyey waxaa ay xabadaha qaarkood ka haleeleen Xabadka iyo Caloosha iyadoo Taliyaha hadda lagu daweynayo Isbitaalka guud ee Boosaaso.

Marka uu falkaan dhacay ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidanka Booliska Magaalada Boosaaso iyadoo sida la sheegayo nimanka falkaan geystay oo afka soo duubtay ay baxsadeen.

Ciidanka Booliska ayaa goobta ka bilaabay baaritaan iyadoo ilaa hadda uu socdo baaritaan walow aan ilaa hadda cid loo qaban falkaan ,xaalada Caafimaad ee Sarkaalka ayaa waxaa ka soo baxay warar kaleduwan iyadoo wararku qaar ay sheegaan in dhaawac Sarkaalka uu yahay mid culus halka warar kale ay sheegayaan in dhaawac Sarkaalku yahay mid fudud.

Madaxweynaha Puntland Gen Cadde Muuse ayaa shalay mar uu u waramayey saxaafada waxaa uu sheegay inay jiraan dad doonaya inay khalkhal geliyaan amaanka Puntlland isagoo ku booriyey shacabka iyo Ganacsataduba ay ku dadaalaan siddii amaanka loo adkeyn lahaa isagoo yiri " yeysan ku riyoon dadka doonaya inay Boosaaso dhibaato ka geystaan waxbaan ka qabanaynaa ee ha la socdaan"

maamulka Cadde Muuse ayaa waxaa ka muuqda Habacsanaan Baahsan iyadoo taasi ay ugu wacan tahay Waaxaha ka shaqeeya amaanka oo aan waxba ka qaban amaanka ayna ugu wacan tahay lacagahooda Mushaarka oo aysan si sax ah u hellin ,halka wararka qaar ay sheegayaa inay jiraan Siyaasiyiin u dhashay Gobolka kana tirsan Maamulka Putlland oo damacsiyaasadeed leh rabana inay ka taqalusaan Maamulka Cadde Muuse ee hadda jira.

Taliyaha Dhame Jooker ayaa ah Sarkaal aad looga yaqaan Gobolka Puntlland gaar ahaan Magaalada Boosaaso isagoo ka mid ahaa Ciidanka Denbi baarista ee Dowladii hore




maxamuud muuse











Dayaxnet