|
WAA SIDEE XAALADA DALKA KENYA 3/2/2008
Mr. Kofi Annan oo shalay booqasho ku tegay dhulkii rabshaduhu sida xun uga dhaceen ee dadka badani ku barakacay, ayaa ku baaqay in baadhitaan buuxa lagu sameeyo xadgudubyada nidaamsan ee ballaadhan ee la sameeyey doorashooyinkii Kenya kadib, isla markaana tallaabo laga qaado ciddii ka masuulka ahayd.
Waxa kaloo kooxda dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Kofi Annan u leexiyeen hawlahooda dhexdhexaadineed hoggaamiyeyaasha iyo kooxaha kale ee gacan ka geysan kara, waxna ku soo kordhin kara xallinta dhibaatooyinka ka taagan dalka Kenya.
Kofi Annan ayaa sheegay inuu kulankii dhexmaray Kibaki iyo Odinga ee uu ka soo shaqeeyey uu ka helay labadoodaba warbixinno muhiim u ah xallinta mashaakilka ka dhashay natiijadii doorashooyinka.
Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan ayaa kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Kenya Mr. Samuel Kivuitu kadib u gudbiyey foom ay ku qoran yihiin su’aalo si uu jawaabaha ugu soo buuxiyo foomkaas.
Sidoo kale, waxa ay Kofi Annan iyo kooxdiisa dhexdhexaadintu la kulmeen baadariyada waaweyn ee dalka Kenya, waxayna u caddeeyeen baadariyadu inay la qabaan waxyaabaha ay soo kala jeediyeen Kibaki iyo Raila Odinga, balse waxay ka codsadeen Mr. Annan in aannu ka tegin dalka ilaa uu xal kama dambays ah u helo khilaafka u dhexeeya labada geesood.
Kofi Annan ayaa isna dhinaciisa u sheegay baadariyada inay reer Kenya waajib ku tahay in ay ka wada xaajoodaan siday u soo afjari lahaayeen mashaakilkooda xalna ugu heli lahaayeen, waxaannu yidhi; “Anigu qaraar lama iman halkan, hase ahaatee waxaan aaminsanahay in haddii si daacad ah loo wadahadlo in la gaadhi karo xal loo baahan yahay.”
Waxa kale oo ku baaqeen baadariyadu in hoosta laga xarriiqo waxyaabihii sababay ee ay ka dhaseen iska-horimaadyadu, isla markaana la abuuro guddi dib-u-heshiisiin ah oo farta dara wixii boogo ah.
Waxa uu Kofi Annan sheegay in kooxdiisa u kala jebinayo laba qaybood, iyada oo qayb uu isagu hoggaaminayaa kulamo la yeelan doonaan xukuumadda, qaybta kalena xisbiga mucaaradka ah ee ODM. Kooxda Kofi Annan waxa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Tanzania Mr. Benjamin, Ms. Garca Machel oo ka socota Mozambique iyo dad kale oo magac ku leh qaaradda Afrika.
Dayaxnet |