|
WAA OGEYSIIS MUHIIM AH 29/2/2009
Fariin SASA ka timid, oo xambaarsan xog muhiim ah oo eey tahay in eeysan ku seegin.
Wednesday, 27 February 2008
Ururka jaaliyada soomaalida K/afrika ayaa shalay soo saartey war saxaafadeed bulshada soomalida ah ee dalkani ku dhaqan u sida fariin muhiim ah oo iyaga quseeya,
ogan faa'iideynaysa. fariintani ayaa waxa ku jirra ogereysiisyo iyo wargalino . qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in dadka qaxootiga ah loo ogolaaday in ay furtaan Account bankiga ABSA balse ay jiraan shuruudo looga baahanyahay in ay buuxiyaan__sii aqri fadlan . OGEYSIIS
1. Waxaa sharaf inoo ah in aan ogeeysiino shacabka soomaaliyeed ee Johannesburg ku dhaqan iyo guud ahaan dalkaba, in wixii manta ka bilowda. Dadka heysta sharciga “Status-ka”, sharciga labbada sano, ama ID-yada. In ay si toos Bank Account oga furan karaan Bangiga ABSA, dhamaan laamihiisa dalka oo dhan. Arrintani ayaa muddo bilooyin ah la joojiyey, kadib dib u habayn lagu samaynayay sharciyo lagu kordhiyey nidaamka furashada Bank account. SASA oo wadahadal la gashay madaxda sarsare ee ABSA , lana kaashatay Wasaarada socdaalka(home affairs). Ayay suurogal noqotey in meesha laga bixiyo qodob shuruud ka dhigayay in qofka eey tahay in uu ID wax ku furto. Hadaba shuruudaha waxaa kaloo ka mid ah, ka sokow sharciga labbada sano ah, in aad la timaadid cadeyn muujineysa ciwaanka guriga aad degantahay, oo noqon karta qaansheegta (Reciept) korontada ama biyada aad gurigaaga oga bixisid, ama cadeyn qoraal ah oo mulkiilaha guriga uu kuusoo qoro. Ogow in sharciyada eey ka mid tahay in marka hore ABSA eey sharcigaaga kasoo xaqiijiso Home Affars, maadaamaa ey jiraan sharciyo been abuur ah, sidaasi darteedna eey waqti qaadanayso in lasoo cadeeyo. FG: haddii laguu sheego in sharcigaagu uusan sax aheyn, fadlan xafiiska SASA soo wargali. Si lagaaga caawiyo in kiiskaaga wax laga qabto.
2. Waxaa kale oo shacbka la ogeeysiinayaa. In ciddii safar degdeg ah oo muhiim ah uu ku jirro, una baahan baasaboorka UN-ka, waa lagula talinayaa in uu la yimaado copy sharcigiisa ah iyo warqad uu ku cadynayo sababaha uu u safrayo, markaasi SASA ayaa u qoreysa warqad degdeg ah, emailna xafiiska UN-ka oga hormarineysa. Sidaasna uu ku helayo. Arrintani waxaa isla gartay UN-ka iyo SASA mar eey kulan yeesheen 14/02/08. kulankani ayaa waxaa eey SASA la yeelatay wakiilka UNHCR u qaabilsan wadamada Afrikada koonfureed ee SADC la’isku yiraahdo. Oo balan qaaday in dadka sharciyada socdaalka laga caawin doono, haddii eey nidaamka kor ku xusan soo maraan. By: Xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta SASA.
WARGALIN
Waxaa dadka lagu wargalinayaa in ciidanka nabad sugida e Police-ka eey bilaabeen howlgalo dalka oo dhan ah oo lagu taxaabayo dadka sida sharci darada ah ku jooga dalka. Sidaa dardeetna eey cid kasta oo shisheeyo ahaan loo garto weeydiiyaan sharcigiisa uu dalka ku joogo. Waa howlgal sharci ah oo dowladu eey amartay, balse waxaa laga yaabaa in qof sharcigiisa kasoo tagay la qabto, la xiro ama laaluush laga qaato. Dadka waxaa lagu waaninayaa in eeysan laaluush bixin oo haddii iyagoo sharciyo leh la qabto, eey ehaladooda soo wargaliyaan SASA si aan u wargalino taliyeyaasha saldhigyada Police-ka oo SASA eey heshiisyo wada shaqayn ah la gaartay. Dadweynaha waxaa loo sheegayaa in eeysan ku xoomin marka eey Policeku arrimo baaritaano ah faraha kula jiraan (ARRINTAASI POLICE-KA AAD AYAY OGA COWDEEN, WAANA MID DHIBAATO KEENI KARTA, POLICE-KU WAXAY XAQ U LEEYHIIN IN EEY XABADO RIDAAN HADDII AMAANKOODU UU QALQAL GALO, ARRINTANA KU XOOMIDA AHNA WAA MID MARMARSIINYO SIIN LOOGA DHIGAN KARO).
Waxaa farxad inoo ah in aan sheegno, in SASA eey hawada soo galisey bar internet ah oo laga daalacan karro wararka quseeya soomaalida K/afrika. Iyo xogo muhiim ah oo aad oga baahantahay inaad ka ogaatid dalka, si loogu ugu dabaqi karo nolol maalmeedka. Webku magaciisu waa www.somaliassociation.org Waxaa xusid mudan in webka bulshada loo sameeyey in eey aragtiyada iyo xogaha isku dhaafsadaan, sidaa darteed webku wuxuu u furanyahay dhamaan dadka in eey kusoo bandhigaan qoraaladooda kana qeybqaataan habsami usocodka webka. Webku qoroyaal aan bulshada aheyn ma leh, bulshada dhexdeeda ayaa looga baahanyahay dad kaa qeybqaata . FG: Qoraalkaaga waxaad kusoo gudbin kartaa Email: info@somaliassociation.org This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it ama soo booqo xafiiska SASA .
Waxaa sidoo kale dadka lagu wargalinayaa in SASA eey bilowdey bixinta kaarar aqoonsi oo sawirka qofka uu dhaganyahay . kaararka oo dadka qaatay ee boqolaal kor u dhaafeen ayaa la hergaliyey kadib wadahadal iyo talooyin dowlada lala galay. Ujeedada karaka ayaa waxa eey tahay in qofkasta oo soomaali ah uu helo cadeyn ah in uu jaaliyada ka tirsanyahay. Haddii sharci darro laguu qabto uu yahay wax aad ku doodi kartid, jaaliyadana kuugu doodi karto. Kaarka waxaa ku qoran nambarka sharicaaga, magacaaga, tirsiga kaarka, sawirkaga iyo magacaaga. Micnihiisu ma ahan in sharcigaagu uu isaga noqonayo, balse waa aqoonsi muhiim ah oo aad jeebka iyo boorsadaba gashan kartid. Wixii faahfaahin ah ee dheeri ah kala xidhiidh:
Saajid Sheikh oo jooga laanta ABSA ee Fordsburg qaybta Islamic Banking ama xafiiska SASA. Fadlan qofna yuusan bixinin wax laaluush ah oo la siinayo mukhalas iyo wixii la mid ah.
FG: Xafiiska SASA : 97th 7th avenue, Mayfair, cnr Church Street 2092. Tell: (011) 839 0939. Email: info@somaliassociation.org This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Xafiiska Wararka ee Jaaliyada Soomaalida.
Dayaxnet |