|
SIYAASIGA CABDULAAHI SHEEKH XASAN 29/2/2009
Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xassan oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Hawiye, dhowaanna soo gaaray dalka Ingiriiska, ayaa bayaan uu soo saaray hambalyo ugu diray siyaasiyiinta iyo shacabka dowlad goboleedka Galmudug State, oo uu ku ammaanay in muddadii yareyd ee ay jirtay dowlad goboleedku ay ku tallaabsatay horumar si weyn u soo jiitay Soomaalida iyo beesha caalamka, wuxuuna ku tilmaamay shaqsiyaadkii dhidibada u taagay dowlad-goboleedkaas iyo shacabkii is barbar taagay in ay taariikhdu xusi doonto.
C/llaahi Sheekh Xassan oo lagu xusuusto in khudbadii qiima laheyd ee uu ka jeediyey shir ku sheegii ay soo abaabuleen kooxdii Cali Mahdi ee lagu qabtay Ex. Xaruntii Gaadiidka booliska, oo uu ka sheegay waxa shirkaasi lagu hayo in uu baadil yahay.
C/llaahi Sheekh Xassan, waxaa uu bayaankiisu u qornaa sidatan.
``Waxaan idiin rajeynayaa ina aad noqotaan dowlad-goboleedkii ugu horreeyey ee Hawiye yeesho, waxaana xusid mudan in aad kalsooni weyn ka kasbateen oo aad wax la qeybsateen beelo kale oo Soomaaliyeed oo aad isku degaan tihiin sida beesha Dirta Koofureed, waxaana xaqiiqo ah in Soomaalidu ay cadaalad iyo horumar ku gaari karto qaabka aad isku hor mariseen ee ah in hoos laga soo billaabo, kadibna kor loo gudbo waayo waa dariiqa dowladnimo sax ah lagu gaari karo, sababtoo ah waa lagu hungoobay hogaamiye kooxeedyo isu tegay oo cadaalad darro halaag laga dhaxlay soo dhoodhoobay, maxaa yeelay cid kale iska daaye iyagii ayaa isku qabsaday ileyn Soomaalidu waxey tiraahdaa (Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho), sidoo kale, walaalaha beesha Hawiye waxaan ugu baaqayaa hadba beelihii isku gobol dhow in ay maamul goboleed wada sameystaan sida Galmudug State, maadaama dhulalka aad deegan tihiin ay yihiin dhulal uu ALLE ku maneystay qaninimo, iyo wax soo saar.``
``Walaalayaal waad aragtaan in C/llaahi Yuusuf intuu goboladiisa maamul u sameystay ayuu idiin soo shaqo tegay, waxaana sababa ah in aad xisaabtami weydaan, oo magac jinni oo aanan jirin shaqsiyaadkiina nin doorka ah lagu sunto oo ninkii C/llaahi diidaba la yiraa waa argagixiso, eray rag aanan xisaabtamin baan sameeyey, waxaa kaloo taariikhdu werineysaa in Hawiye weligii ahaayeen bulsho xadaari ah oo taariikhda Soomaaliyana ku laheyd halyeeyadii ugu caansanaa, ee dhaliyey xorriyada maanta la doonayo in la dhalan-rogo, waxaana waqtiyadii u danbeeyey hogaanka Hawiye sutida u qabtay shaqsiyaad daneystayaal ah oo xilli adag ku soo aaday,
´´Waxaan mar kale ugu mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka Galmudug State oo aan ku amaanayo waxqabadkooda qiimaha badan weliba xilli uu sii liicayo maamulka Cadde Muuse, waxaana ii farxad ah inaan Soomaali inteeda kale u sheego waqtigii afar afarta qofood ay magaca la bixi jirtay oo xaaladu ay mareyso in qowmiyad dhan ay ku heshiiso in ay maamul dhisato, waxaana doonayaa in aan hadalkeyga ku soo gabagabeeyo hadalkeyga oraahdii Abwaan C´lle Raage Tarawiil ee aheyd (Sheekada awr kacsiga haddaad idaacadaha ka maqasheen, isagiina waxow falay), hadda waxey ila tahay, wixii aad isku dhigteen iyo wixii la idinku dhigay markii aad miisaantaan waxaad garowsateen in la joogo waqtigii uu caqli tali lahaa, oo waxaad tiraahdeen (Enough is Enough) oo waxaad guddoonsateen in aad ubadkiisa mustaqbal, waxbarasho, iyo nolol u horseedaan, si loo helo jiil cusub oo ka bedelan kuwii hanqaaday 18-kii sano
ALAAH Mahad leh.
Waxaa qoray C-llaahi Xuseen Maariyaa
E-mail maaryaa2 @hotmail.com
Halkan ka Akhri warbixin kooban oo ka hadleysa shaqsiyada C-llaahi Sheekh Xassan.
C/laahi Sheekh Xasan siyaasi qiimo weyn leh, kana turjumay rabitaanka iyo danaha dadkiisa iyo dalkiisa.
Faraska iyo dameerku waxay isku mid ka yihiin macaga gamaan, laakin waxay ku kala duwan yihiin waxtarka ,xoogga , quruxda , xawaarah oradka iyo tolmoonaata muuqaalka . Raguna waxa uu ka midaysan yahay magta iyo magaca , waxuuna is-dheer yahay : aqoonta, geesinimada , deeqsinimada, aftahamada iyo xilkasnimada .Sidaa si lamid ah ayey siyaasiyiintu wadaagaan magca siyaasi ayna is dheer yihiin :sumcada ,aqoonta , garashada iyo fahamka marxalda laggu jiro .
Siyaasiga da’yar C/laahi Sh Xasan waa xidig aqoontiisu wanaagsan tahay garashadiisana ay iftiin iyo muuqaal wanaagsan leedahay .
C/laahi Sh Xasan waxa uu magaalada Muqdisho ku leeyahay oo mu’asis ka yahay in ka badan todobo school oo isugu jira kuwa hoose dhexe iyo sare waxaa ka mid dugsiyada HOOSE DHEXE SH XASAN BARSAME one, IYO SH XASAN BARSAME two, DUGSIGAHOOSE DHEXE IYO SARE SH C/RAXMAN CELI IYO DUGSIGA MASCAB BIN CUMEYR sida muuqata waa ninka kaliya ee siyaasiyiinta Soomaalida ka mid ah ee sameeyey dugsiyo wax lagu baro ubadka Soomaliyeed taasoo marag madoonto ka dhigaysa in uu yahay shakhsi ka damqanaya dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa haysata , una gayfan oo u tafaxaytay wax-baridda ubadka Soomalyeed iyo ladagaalanka jahliga haysta jiilka soo koraya oo ay dagaaldu facoodi kala hareen .
C/laahi Sh Xasan waa wadani , wadaniyada iyo Soomaalinida ku dhaarta , marka la eego doodihiisa cadcad oo geesinimada iyo dhiiranaatu ka buuxdo, ugana soo horjeedo gumaysiga xabashida iyo tacbanayaashooda dowlad ku sheeg wuxuu noqonayaa shaqsiy miisaan weyn ku leh arrintaa.
C/laahi SH XASAN wuxuu ka mid ahaa gudigii hubka dhigista ee shirkii Eledoret iyo Mbagathi markii uu ogaaday hagardaamooyinkii iyo shir-qoolkii ay iska kaashanayeen itoobiya iyo tageerayaasha madexweyne Yuusuf Yeey , ayuu shaaca ka qaaday qorshe iyo shax-dagaal oo Muqdisho lagu doonayey in lagu soo weero oo ay wadajir u diyaariyeen Bad-meceeye iyo saraakiil itoobiyaan ah.
Maxaa keenay in siyaasiga C/laahi Sh Xasan lagu xiro Garoowe ?
Waa su’aal mudan in laga jawaabo sababta keentay in lagu xiro Garoowe siyaasi magac iyo martabad sare ku leh bulshada Soomaalida kana mid ahaa wafdi caalami ah oo midawga Africa ay Soomaaliya u soo direen si ay u soo eegaan una soo indha-indheeyaan in dadka Soomaliyeed ay taageerayaan iyo in kale ciidamo nabad ilaalin ah oo Africa ka socdaa yimaadaan dalka Soomaaliya.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa rag Somali ah oo matalayey ama qeybsanaa habka beelaha Soomaalidu ay baarlamanka ku qeybsadeen ee aheyd 4.5 , lagana soo xulay xubnihii gudida hubka dhigista ee shirkii Mbagathi .
Markii wafdigu tagay Gaalkacyo ayey la kulmeen dadka dagan W/Gaalkacyo dabdeedan ay damceen in ay u gudbaan, sidii qorshahoodu ahaa K/Gaalkacyo si ay u dhageystaan aragtida dadka K/Mudug dagan , arintaas ayaa waxaa ay u cuntami weyday rag ka mida ahaa wafdiga gaar ahaan Ciid Badal iyo Max’ed Cabdi Xaabsade oo asagu ka mid ah maamulka Puntland oo markii aragtidiisa u gudbiyey quburadii AFRICA ee figradaha dadka iyo maamulada ka jira somalia aruurinaysay ayuu Xaabsade diiday in wafdigu ay dhageystaan aragtida ay qabaan shacabka degan K/Galkacyo , asagoo Xaabsade sheegtay in uu wakiil ka yahay , dhamaan dadka Gaalkacyo dagan Waqooyi iyo Koonfurba, sidaa darteedna loo baahnayn in wafdigu dhinca koonfurta u gudbo .
C/laahi Sh Xasan ayaa Xaabsade ku yiri goormaad wakiil ka noqotay oo maalmulkaaga hoos keentay dadka K/Gaalkacyo LABO Bil ka hor ayaa Gaalkacyo iigu danbeysay waana kala qeybsanayde . ?
Dood culus kadib oo waliba Xaabsade ku goodiyey in uusan wafdiga amaankooda mas’uul ka ahayn hadii ay K/Gaalkacyo u gudbaan , ayaa wafdigu u gudbeen K/Gaalkacyo lana kulmeen dadka deegaankaas oo u sheegay aragtid ka duwan tii reer Puntland u gudbiyeen, kana soo horjeed wax ciidan shisheeye ah in ay ciida Soomaliya caga soo dhigtaan. .
Maalin kadib markii uu wafdiga socdaalkiisu ku beegnaa Garoowe C/laahi Yuusuf Garoowe tagey , C/laahi Yuusuf ayaa loo sheegay gaar ahaan wiilka Ciid Badel la yiraahdo iyo Max’ed Xaabsade ayaa gaarsiiyey aqbaartii shalay ka dhacay Gaalkacyo.
Isla markiiba ,amar ayuu C/laahi Yusuf ku Bixiyey in xabsiga loo taxaabo C/laahi Sh Xasan lagana reebay wafdigii uu uga mid noqday aqoontiisa iyo awood qeybsiga beeshiisa , waayo shanta beelood oo ay Soomaalidu wax ku qeybsatay beeshii xubin baa ku matalaysay socdaal wafdigaa .
C/laahi Sh Xasan waxaa halyey dhalin-yaro oo kulansaday aftahanimo , xigmad aqoon , geesinomo iyo codkarnimo .
Hadaba waxa uu mudan yahay in loo hanbalyeeyo lagguna dhiiri galiyo halgankiisa dadaalka Soomalinimada ah ee muujiyey xili ay xaaladu adag tahay oo ay gumaysi-kalkaalyadu u haystaan in toodu hirgashay .
Tu kale oo ka darran ayaa lagu xusuustaa, markii laga awood roonaaday golihii maxaakiimta ee nabadii iyo kala danbeyntii ku soo celiyey caasimada iyo inta badan gobolada Koofureed iyo bartamaha Soomaaliya oo uu ka mid ahaa raggii la shaqeynayey ee ay Xabashidu dalka qabsatay, kama aanu bixin Muqdisho wuxuuna ahaa shaqsi aaney waxba iska bedelin fikirkiisa oo dhaliilo aan lala gamban u jeedin jiray Itoobiyaanka iyo dowladda camiilka ah, ilaa ugu danbeyntii dhowr jeer la isku dayey in la qaarajiyo.
Taariikhda ayaa xusin doonta kalana saari doonta kan dhuuntay ee fulayga ah, markii xaaladu wanaagsan tahayna qeyl-dhaanta iyo onkodka guuxa ka baxaya , ilmuhu aysan ka seexan Karin iyo ka dhiiran oo libiqsan goor walab iyo walba oo lajoogo sida C/laahi Sh Xasan oo kale
W.Q: Bashiir Nuur Xirsi
Waxaanu ka soo xiganay websitka dayniile ee muursade
waxaana baahiyey webka dayaxnet ee xasan maxamed
Dayaxnet |