Home Opinion News Music Forums About as

DHIBAATADA HOOYADA SOOMAALIYEED 29/2/2009

Waxaa laga qaadaa hooyada iyo aabaha somaliyeed africa iyaga oo markaas haysta dhaqankii hooyo oo xambaarsan qiimihii somalinimo ayaa waxaa ay tagaan Unta ama meel qaxoonti la iska qoro halkaas oo diintii meel wayn lagaga dhaco lana sheego been iyo hoog aan alle ku keenin i yo waxyaabo aan diinta islaamka ku banayn beentaas oo ay u sheegayaan dad aan illaahay aqoon oo gaalo ah oo raba in ay islaamka adhaxda ka jabiyaan oo doonaaya in ay ubadka iyo dumarka ka soo maraan oo ay uga dan leeyihiin in islaamka la cidhib jaro sababta oo ah qoom marka la rabo in la adhaxjabiyo ama la baabiiyo waxaa laga maraa xaga dumarka iyo caruurta .

halkaas oo ay hooyadii odhanayso aabahood waan wayay caruurta ama wuuba dhintay isago la nool oo hal guri ay ka soo wada toosaan ayaa waxay odhanayaan waan wayay ama wuu dhintay isna sidoo kale halkii ayuu been sheegayaa oo uu leeyahay single ayaan ahay reerkayagii wuu rogmaday wax ii nool ma leh waan hoogay oo waan ba ay.

waxaa layaab leh in wadankeenii hooyo la so cidleeyo oo isaga oo leh wax walba dadkiisana u baahan halkii wadanka loo rooraayo laga saraysiin lahaa ayaa dib loo reebayaa oo dib loo dhigayaa iyadoo ay u shaqa tagayaa dadkeenii meelo aan dalkooda ahayn halkii ay ku kordhin lahayeen dalkooda waxii ay so barteen hadii ay tahay sida hubka looga saaro dalka iyo hadi ay tahay sida wax loo beero iyo hadii ay tahay dhakhtarnimo loolama laabanaayo dalkii ee dal iyo dad aan rabin baahina u qabin in loo shaqeeyo iyo in wax loo soo saaro toona oo iyagu taas ku hor maray ayaa loo shaqa tagayaa iyadoo diintiina sifir laga joogo dalkiina la soo cidleeyay ayaa la qaadayaa waxaa la gaynayaa daaro dhaadheer iyo dad cad cad qofkii somaliga ahaa daar gaaban ayuu ka yimid midabkiisuna waa madaw markaas waxuu isku dayayaa sidi uu ugu eekaan laha dadkaas sirwaalka mid cagaha u wayn ka dhig timaha raamo ka dhig bal in uu in ay u eekadaan dadkaas halkaas hooyadi ay ubadkii la tagaysaa meel ubadka lagu xadaayo oo la rabo in laga xado maskaxda aabe lamaba socdo oo markay africa joogtay ayaabay dishay ama tidhi bada ayuu ku dhintay halkaas ayaa caruurtii la gaynayaa schoolo gaalo ubadkii oo la baraayo wax aan diin ku sal lahayn lagana luminaayo dariiqii toosnaa ilaa ay gadhaan in aan ilmihii yaraa waalidkii dhirbaaxin canaanan oo uu halkii diinta ay masuuliyada saartay waalidka ayaa halkaas ubadka ayaa talinaaya oo masuuliyadii lagu wareejinayaa waalidka waa waxan ayaan rabnaa halkan ayaan tagaynaa uma diidi karaan oo hadii ay u diidaan ama dagaalaan waala xidhayaa caruurtana waa laga kaxaysanayaa waa la gaalaynayaa markaas waa in ay sidii ay rabaanba u yeelaan hadii kale ama waa la mastaafurin ama waaba la xidhi halkaasna caruur la aan ayaa oga soo hoyanaysa markaas waa in loo ogolaado wax walba oo ay rabaan .

hooyadii baa soo hadhay ninkii ay isku jeclayeen ee ay aduunkan iska doorteen maqsuudkana isku ahaayeen ayuunbay balaayo kaga kacaysaa oo lacag ayaa u hilaacaysa waxayba doonaysaa wax ay reer galbeedka yidhaahdaan single mother oo hadii ay 199 ama 991 ay qaraacdo oo ay tidhaa bas ninkii wuu i dhirbaaxay ama waa laga mastaafurinayaa ama waaba la xidhayaa lacag saaid ah oo bilaash ahna way qadanaysaa oo caruurta ayaa loo tirinayaa kadibna lacagbaaba loo xisaabinayaa gabadhii somaliyeed oo somaliya markay joogtay lacagta biilka uun loo dhiibo ayaa loo dhiibayaa malaayiin markaas ayaa waxay ku fikiraysaa nin maxaad ku fali saaxiib ayaad samaysanaysaa caruurtadana waa taas inta lagaa qaado subaxdii lagu soo celinaayo iyagoo dharagsan habeenkii lacag dheeraad ahna lagugu siinaayo bal ma ku fikirtay ilmihii saaka lagaa qaaday maxuu soo dhiganayay maxaa la soo baraayay maxuu cunay ma cuno muslim mise khansiir kumay fakarine ninkaan saaxiibka aad la tahay ma kuu ogoshay diinta islaamka se ma ku wadayaa waligaa aakhiro se maxaa kuu dambayn ma ka fakarayso in jahanaba iyo cadaab alle ka dambeeyo waxaabay rumaysantay dhalanteedka ay gaalada u dhigayso iyadoo rabta uun in ay caruurtaas kasbato oo islaamka uu soo baxo sifir oo hadii islaamka dumarka iyo caruurta laga dhameeyo islaamkii ma helaayo ubad ama jiil cusub oo soo baxa hooyadii dhali lahaydna waaba la watay oo fikrad qalad ah ayaa laga dhaadhiciyay oo lacagtaas iyo dhaldhalaalkaas ayay eryanaysaa.

waxaa jira iyaga dad alle u nimceeyay oo diinta si fiican u qabsaday ubadkoodana si fiican u barbaariyay kuna nool dalalka reer galbeedka kuwaasna waa 5%

oo waa kuwa alle u naxariistay uguna deeqay imaan buuxa markii horena ahaa dad diinta si fiican u bartay .

taasna waxaa lagaga gudbi karaa iyadoo diinta si fiican loo barto dalkiina wuu ooyayaa oo waa la soo cidleeyee

loo laabto oo inta dalkale oo aan aan inoo baahnayn oo iyagu camiray dalkoodii loo sii cararaayo dalkii hooyo in loo laabto oo la camiro lana gaadho lana dhaafo reer galbeedka oo dalkeena loo laabto mid kale ayaa ah in diinta sida ay tahay loogu dhaqmo hadii diinta loo laabto diinta iyadaa dhibaato oo dhan xalinaysa oo diinta ayaa xal u ah dhibaato kasta ee diinta


saafi xuseen




Dayaxnet