|
HESHIIS AWOOD QAYBSI DALKA KENYA 29/2/2009
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ayaa saxiixay heshiis lagu soo gabgabeynayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan waddanka Kenya
Xaflad ka dhacday magaalada Nairobi, ayaa labada nin waxa ay ku saxiixeen heshiis ay awoodda ku qeybsanayaan, kaasi oo uu dhexdhexaadiyay Xoghayihii hore ee QM Kofi Annan.
Dowlad wadaag ah oo ka kooban xisbiga talada haatan haya iyo mucaaradka ayaa heshiiska uu dhigayaa in la soo dhiso.
Dad gaaray 1,500 ayaa ku dhintay rabshadihii siyaasadeed ee ka dhacay Kenaya, kadib markii Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu sheegay in lagu shubtay oo laga xaday doorashooyinkii dhacay bishii December.
Kormeerayaashii caalamiga ee la socday doorashada ayaa waxay sheegeen in ay jirtay ku shubasho.
In heshiis ay gaaraan labada dhinac waxay lama huraan u ahayd badbaadada waddankan, sidaas waxa yiri Kofi Annan.
Rabshadihii ka dhacay waddankaasi ayaa intooda badan qaboobay, inkastoo xiisad colaadeed ay meel sare mareyso.
Wada xaajoodka u dhaxeeya dowladda iyo xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa waxa ay socdeen muddo ka badan hal bil, iyadoo dhawr jeer la isku mari waayay in heshiis la gaaro.
Wada hadalka ayaa waxaa udub dhexaad u ahaa sameynta Ra'iisul Wasaare, kaasi oo uu qaadan doono Odinga, oo isagu hogaamiya tirada ugu badan ee mudanayaasha baarlamaanka Kenya.
Xasan yare
sweden
tafatiraha dayaxnet
Dayaxnet |