Casri walba oo la joogo ummadaha dunidu waa ay kala horreeyaan oo kala dambeeyaan. Laakiin haddana labada sifo ee “horumar” iyo “dibudhac” ma aha wax xaddidan oo leh dherer iyo dhumuc lagu garto. Waa laba xaaladood oo la qeexi karo oo keliya marka iyaga la isku dhereriyo loona kala qiyaas qaato.
Si ay bulsho u noqoto mid horumarsan waa in ay jirtaa mid la casri ah oo iyada ka dambaysaa. Sidoo kale ummad dambaysa waxaa la gartaa marka la og yahay mid iyada ka horraysa.
Waa la wada qirsan yahay Masaaridii hore in ay lahayd ilbaxnimo aad u sarraysa sababta oo ah waxaa la arkay waxqabadkeedii ka sarreeyey ummadihii la xilliga ahaa. Waa la isku raacsan yahay Afrikaanku in ay maanta dambeeyaan waayo waxaa la arkaa colaadda, qalalaasaha, cudurrada iyo gaajada ay ku jiraan, isla marka ay kuwo la waqti ahi haystaan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.
Mar kale dambaynta iyo horrayntu ma leh soohdin ay ku kala baxaan. Ma jirto xarriiq ay bulsho waliba ku khasban tahay in ay labadeeda dhinac mid uun istaagto. Waa sida beratanka maaratoonka oo qofka hoggaaminaya iyo ka ugu dambeeya la isla qirsan yahay, laakiin orodyahannada badan ee labadaa u dhexeeya dambayn iyo horrayn mid ay yihiin la iskuma raaci karo.
Waxaa la mid ah marka dunida loo kala yeelayo labada magac ee kala ah“Adduunka koowaad” iyo “Adduunka saddexaad”. Halkee ayey labadaas adduun ku kala baxaan? ma Malaysiya iyo Singabur ayaa edeg lagula xerayn karaa Afgaanistaan iyo Soomaaliya?
Taasi waa dhanka farsamada iyo dhaqaalaha, laakiin haddii loo gudbo fekerka iyo akhlaaqda arrintu waa ay sii adkaanaysaa murankuna wuu sii badanayaa. Tan dambe mar haddii aanay dadaal iyo waxqabad keliya ahayn, ee ay tahay garashada iyo akhlaaqda ay dadku dhaxleen kuna dhaqan yihiin, laguma degdego in looga wada hadlo si la mid ah sida farsamada iyo dhaqaalaha looga wada hadlo.
Waayo la isu qiri maayo laguna heeshiin maayo. Qolo waliba qolada kale ayey dhaqan xumo ku eedaynaysaa si ay iyadu wanaag u sheegato, qolada kalena waxay gelaysaa difaac iyo weerar rogaalcelin ah.
Tusaale ahaan dad reer yurub ah ayaa aad uga hadla oo la dagaallama gudniinka gabdhaha oo laga yaqaan bulshooyin aynu ka mid nahay. Dadkaas doonaya in ay xanuunka iyo silica aynu gabdhaheenna ku hayno ka joojiyaan qudhooda jacayl iyo naxariis kama aha, ee waxay ka tahay sheegasho feker wanaagsan iyo akhlaaq sare.
Waxay ka tahay in ay ina tusaan in aynu nahay cawaan dhaqan xun, iyaguna yihiin malagyo ina badbaadinaya. Qaar badan oo inaga mid ah ayaa hawlahaas taageera, khasabna ma aha in ay ka tahay qirasho cawaannimo ama isu dhiibid shisheeye. Kuweenna ka hor yimaaddaana wanaag difaaci maayaan.
Ha xumaado ama ha samaado ee dhaqan ummadeed oo qarniyo badan la soo haystey haddii la soo jeediyo in laga tago waxaa abuurma buuq iyo iska hor imaad. Taas waxaa ka sii daran haddii ay cidda ka tegista ku baaqaysaa shisheeye tahay. Si kasta oo xumaanta dhaqankaas loo gar waaqsado in laga fuqaa ma fududa, waayo waxaa la dareemayaa hoosayn iyo cidda xumaanta kuu sheegtay in ay kaa fiican tahay. Isfaham darro iyo khilaaf badan oo maanta dunida ka jira labadaas dareen ee iska hor imanaya ayaa u sabab ah.
Wax iska celinta iyo loollanku waa halkooda, laakiin dhaqanka wanaagsan iyo ka xun caqliga hagaagsan iska qaldami maayaan: waxaa wanaagsan wax kasta oo nolosha dadka u dan ah, iyo wax kasta oo karaamada dadnimo dhawraya. Haddaba taas garashadeeda, ku dhaqankeeda, iyo dhawristeedu waa arrin ay maanta bulshooyinku aad ugu kala horrreeyaan, weligoodna ku kala horreeyeen.
Xaqiiqadaasi waa mid aynaan dafiri karin oo waagii beryaba sida qorraxda inaga soo hor baxda. Cidda aan doonto ahow, aragtida aad doontidna hayso, haddiise aad si fayow u fekeraysid fal kasta oo dunida ka dhaca iyo weedh kasta oo aad maqashid waxaa kaaga soo dhex boodaya kala horraynta dhaqanka iyo akhlaaqda ummadaha
Dadaalka quusta ah ee ay qaar isku dayaan in ay dambayntooda dhinaca farsamada ku koobaan caawin mayso. Tusaale ahaan Afrikaanka iyo Carabtu si ay guuldarrada ilbaxnimo la’aanta ah ee ku yuururta u yareeyaan ayey arrinta xagga kale ka rogaan oo reer galbeedka isla taas ku eedeeyaan. Laakiin meeye dhaqanka iyo akhlaaqda aynu reer galbeedka ugu faani karnaa? Miyey jirtaa akhlaaq xumo ka weyn in dadka laga qaado karaamada ay la dhasheen, lagana dhigo noole aan doofaarka qiimo dhaamin? Miyeyse jirtaa meel ay dadnimadu kaga hoosayso dunida aynu ka midka nahay, marka la eego waxyaalaha nolosha daruuriga u ah?
Karaamo darradaasi waxay aad u soo shaac baxdaa marka aynu damcno in aynu reer galbeedka weerarno ama iska difaacno. Tusaale ahaan dhowaan waxaynu wada aragnay masiibo ka dhacday xabsiga Abuu Gariib ee Baqdaad ku yaal. Waxay ahayd foolxumo dareenka dunida isku si u dhaqaajisay. Dad badan oo inaga mid ah ayaa markiiba arrintaas u adeegsaday dacaayad Maraykanka iyo guud ahaa ilbaxnimada reer galbeedka lid ku ah. ”Waxshinnimo”, ”cawaannimo”, ”diin la’aan”, ”burbur dadnimo”, kuwaas ayaa ka mid ahaa ereyada aadka loogu soo celceliyey. Taasi waa hadaltiro aan caddaalad iyo xisaabtan dhab ah ku fadhiyin.
Ha malayn in aan Maraykan difaacayo ama dhacdadaas xumaanteeda yaraynayo. Ha ka yaabin! Waxaan doonayaa oo keliya in aan arrinta inaga tuso dhinaca mugdiga ah ee aynu ka taagan nahay si aynu u aragno runteenna qarriban ee aynu qaladdaadka reer galbeedka ku qarinayno. Dhacdadaas tusaalaha ah aynu sidan soo socota u aragno si aynu u ogaanno cid kasta oo wax xumaysa kollayba in ay innagu ka sii xun nahay:
1) Fadeexadda ay maraykanku Abuu Gariib ka geysteen isla iyaga ayaa fashilayey oo ina tusay, haddii kale weligeen ma aynu ogaanneen (walow ay jirto aragti xooggan oo sheegaysa muujinta qudheedu in ay dagaalka ka mid ahayd).
2) Dadka Maraykanku arrinta aad ayey uga gilgisheen, askartii falka ku kacdayna dacwad ayaa lagu oogay.
3) Carabta, Afrika iyo dunida kale ee aynu ka midka nahayba xabsiyadooda iyo xabsiyada debeddoodaba habeen iyo maalin waxaa ka dhaca, weligoodna ka dhici jiray, hoog waxa Abuu Gariib ka dhacay aad uga sii xun, waana la wada og yahay, haddana dan lagama galo.
4) Maraykanka in taas lagu dhaliilay waxay u tahay guul, waayo waxay uga markhaati kacaysaa in ay tahay bulsho ilbax ah oo aan waxaas laga filayn. Dhanka kalena waxaynu ku qiranaynaa ”annagu xumaanta aannu isu geysannaa wax ka soo qaad ma leh, waayo dadnimo ma lihin, laakiin idinka falkaasi idiinma qalmo ”.
Sidaas ayaa reer galbeedka ilbaxnimo iyo akhlaaq sare loogu qiraa iyada oo aan la is-ogayn. Siyaabahaas waxaa kale oo ka mid ah in aynu habeen iyo maalin maqalno mas’uul dhankeenna ah oo dal ama qof reer galbeed ah u ballan qaadaya in uu aqbalay wanaajinta xuquuqda aadamiga.
Waxaa ka mid ah qof kasta oo dhulkeenna nabadgelyo xumo darteed ugu noolaan kari waayey in uu reer galbeedka magan galo, xataa haddii uu fikrado iyaga lid ku ah wato, sida wadaaddada xagjirka loo yaqaan ee dalalkooda dilka kaga xukuman. Shakhsiyaadka iyo ururrada bani aadamnimada u dooda ee dhulkeenna ka jiraa cidda keliya ee ay hiil iyo taageero ka helaan waa bulshooyinka reer galbeedka. Maalin walba waxaad maqlaysaa qaylodhaan kuwaas ka imanaysa iyo cabasho u eg ”waxa aanu cawaannimadayada isku yeelayno kaalaya ilbaxnimadiinna nagaga badbaadiya!”
Hargeysa waxaa ka dhisan urur aad muhiim u ah oo u halgama xuquuqda reeraha la takooro. Dulmiga ay dadkaasi qabaan waa denbi iyo ceeb qof kasta dusha ka saaran. Haddana ha filin Daahir Rayaale Kaahin in uu dhaqaalaha dalka uu maamulo in yar oo ka mid ah u qoondeeyo abaabulka ay dadkaasi dadnimadooda ku soo dhacsanayaan.
Diyaar ayuuse u yahay in uu odayaal caloolo waaweyn oo qabilyoon kibray ka dhashay waagii beryaba lacag aad u badan ku qayilsiiyo. Waxaa hubaal ah haddii uu Tony Blair farriin u soo diro oo ku yidhaahdo: ”Bulshada la haybsooco ee dhulkaaga ku nool arrintooda degdeg wax uga qabo”, subaxda xigta warbaahinta waxaad ka akhriyi lahayd ”Rayaale oo ballan qaaday in uu dadka la haybsooco dhibaatadooda dhaqso wax uga qaban doono”.
Sannadihii siddeetanaadkii, markii ay askarktii uu Maxamed Siyaad Barre horjoogaha u ahaa gobollada waqooyi ku baarqabbaynayeen, ayey gabadh yar oo qoyska reer boqor ee Ingiriisku dalka timid. Heer madaxweyne ilaa heer wasiir ayey cagta iyo carabka marisay, iyada oo ku canaanatay cadawnimada ay reer waqooyiga ku hayaan. Dabadeed cagaha ayey dhulka dhigi kari waayeen, waxayna si walba isugu dayeen in ay gabadhaa yar raalli geliyaan.
Dhacdooyinkaas iyo kuwa la midka ahi waa ogglaansho cawaannimo iyo qirasho ah in lagaa akhlaaq iyo dadnimo sarreeyo. Haddaa qofka garan waayey in uu dadkiisa uu mas’uulka ka yahay sharfo, muxuu u sharfayaa shakhsi qalaad?
Boqor Bukaase, oo ahaa dhaandhaan mar lagu salliday bulshada ku dhaqan dalka Badhtamaha Afrika, ayaa la weydiiyey: ”Dadkaagii gaajo ayey la jiifaan ee maxaa waxan u dahab ah dushaada ku raray?” Wuxuu murti ka dhigay: ”Dadkaygu waxay jecel yihiin boqorkoodu in uu boqorrada dunida u egaado.”
Sideedaba bulshooyinka dulliga ah, iyo gaar ahaan soomaalidu, maba oga waayo lama barin, in uu dhashay isaga oo xor ah oo leh xuquuq iyo karaamo lama taabtaan ah. Ma oga in uu xaq buuxa oo aan baryo ahayn u leh yahay in uu helo nabadgelyo, xorriyad buuxda iyo sharaf aan lagu xadgudbi karin. Arrimahaas haddii uu helo wuu ka mahad naqayaa, haddii uu waayana cidna ugu dudi maayo.
Si aan dhagax weligii meel iska yaal loo noqon dadku waa in ay si joogto ah fekerkooda iyo aqoontooda u horumariyaan, dhaqankana ay haystaanna mar walba xisaab ugu noqdaan. Reer yurub cuqdad ayey ka qabaan in hab-feker iyo hab-dhaqan ay mar haystaan qabatimaan oo ku negaadaan. Waxay aad ugu dadaalaan in ay wax walba joogto u beddelaan oo casriyeeyaan.
Taas waxaa keenay waayo’aragnimo xun oo ay dhaqan iyo feker la dul yuururo ka soo mareen. Waxay hubaan hab-nololeed marxaladeed oo la qabatimaa in uu keeno curyaannimo iyo indho la’aan. Qarniyadii badnaa ee ay kiniisadda ku hoos noolaayeen ayaa taas marag ugu filan.
Innagu wax aynu casriyayno ha joogtee dhaqan xumo aynu qarniyo badan soo haysanney ayeynu difaacnaa, oo in ay dhaqan hore ahaayeen uun ugu dheggan nahay. “Caado la gooyey cadho Allah ayey leh dahay“ ayaa inaga sal ah. Caadada aynu moodayno haddii aynu ka tagno in uu Ilaahay ina rogayo waxaa ka mid ah haybsooca, gudniinka bahalnimada ah ee gabdhaha, kala aarsiga aan sharciga iyo caddaaladda ku dhisnayn, iyo wax kasta oo isirka soomaaligu halka uu maanta yaal dhigay.
Sida ay qofka iyo qabiilku ugu xad gudbayaan nabadda, nolosha, karaamada iyo sharafta qofka iyo qabiilka kale, si la mid ah ayey iyaguna diyaar u yihiin in loogu xad gudbo. Waa xeer la isla oggol yahay: xumaan kasta oo aan ku yeeli karaa waa ay ii bannaan tahay, markaa adigana xumaan kasta oo aad i yeeli kartaa waa ay kuu bannaan tahay.
Waa ma-dhacdo iyo calaacal ay timo ka soo baxeen bulsho karaamada laga qaaday, oo nabad, xasillooni iyo xorriyad wayday, in ay tallaabo hore u qaaddo, dhinac akhlaaqeed iyo mid aqooneed toona.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com