Home Opinion News Music Forums About as

SOOMAALIDDA XEER XEERIYA MA LAHA

Dagaalladda dalka soomaaliya waxaay uu socdaan si aan kala go,lahayn muddo 14 sanadood ah mudadaasi ay uu gaysteen dadka iyo dalkii soomaaliya la odhan jiray dhamaan noocyadda kala duwan ee falalka lidka ku ah aadamigga ama insaaniyadda, Falalkaasi oo aanay wali ka suulin ku xadgudubkooda oo ay ku noqdeen kooxahaasi (cadaystayaal) Xalaalaystay ku meerashadda xamaamyadda dhiigga,Waxaana marqaati buuxa ka ah dowladaha dunidda iyo hay,adaha calamka.

Kooxahaasi oo ku tartama si joogta ah xaquuqda aadamigga ee dalka soomaaliya ku xadgudubkoda Si ula kac ah, Hadaba kooxahaasi qabqablayaasha dagaalka ee soomaaliya,Ayaa hadane waxaay si joogt ah socdaala ku kale bixiyaan dacaladda dunidda siiba waxaay kulamo joogto ah ay la yeeshaan

dalal ay ka mid yahiin liibiya,itoobiya, keenya,masar iyo kuwa kale oo badan, Iyagga oo waliba loo soo dhaweeyo qaab la moodoo in ay ku amaanan yahiin falalkoodaas lidka ku ah xaquuqda aadamiga oo la mooda in lagu sii dhiiri galinayo ama loo sii sacabo tumaaya maalin iyo habeenba. Sawirka maanta ee soomaaliya ay badeeen waxaaa uu ka dhigan yahay masraxa lagu dhigo musaaricada xorta ee masraxaasi ay tahay dalka soomaaliya dowladaha caalamkana ay yahiin dawadayaasha, Kooxaha qabqablayaashuna ay yahiin musaariciinta isaga soo hor jeeda masraxa.

Hase yeesheee musaaricadaha masraxyadda waxaaay leeyahiin bilow iyo dhamaado oo muda leh, Laakiinse musaaricadani ma laha muddo iyo dhamaad midna. Wadamadda caalamka ma ahan inay ka quustaan umadda soomaaliyeed, Caalamka ma ahan inay naxariista ka idlaato, Caalamka ama ahan in uu dhabarka uu jeediyo dal iyo dad ku abtirsadaa aadami oo ku qoran juqraafiga aduunyadda, Caalamka ma ahan in uu isku qanciyo erayadda ah soomaalidu (Waa in iyaggu dhexdooda heshiiyaan) Eraygaasi waa mid raqiis ah oo aannu marnaba ka turjumaynin aayaha soomaaliya. Sababtoo ah meesha waxaa ka jiraaa kooxo hardamaya oo ku tartamaya dilka iyo xukunka dalka oo ah qabqablayaasha dagaalka iyo kooxo la haystayaal ah oo ah mujtamaca ka kooban dadweynee.

Hadaba sooomaalidda heshiinaysa dhexdooda waa kuweee? Ma xera doofaar shirka ka socdaa wax laga sugayaaa? Aqriste xalka kaliya ee lagu dhisi karro dhismo dowlad ee soomaaliya waxa ay tahay iyadoo gacan bir ah lagu qabto oo gacanta lugu dhigo kooxaha qabqablayaasha ah ee ku amar taagleeya soomaaliya ka dibna la soo joojiyo maxkamadaha caalamiga ee dagaaladda, Si loo mariya ciqaabta ay mudan yahiin, Iyadoo la raacaya sidii tii Ruwanda iyo Burundi,Iwm, Taas oo ah tan kaliya ee lagu badbaadin karro soomaaliya, Waa haddii danbiyadda xaquuqda aadamiga laga galo ay uu siman yahiiiiiiiin dunidda. Aqristooow dedaaladii kala duwanaa ee duniddu ay hore ugu soo gurmatay dhamaaan waxaay noqdeen sidda la ogyahay kuwa lagu guul daraystay, Hadana lagu sii guul daraysanayo, Talaaabooyinka noocaasi ah haddii kooxahaasi la qabqaban oo maxkamad la soo taagin inta ay goori goor tahay. Taas oo noqonaysa talaabadda kaliya ee lagu guulaysan karro qaadisteeda dhismo qaran soomaaliya dib loogu dhiso. Haddii kale arinku musalsalkaas uun buu ku soconayaa sanado kala oo fara badan. Waxaana la sadaalinayaa in ay ku dhiman doonaan geyigaasi dad abriyaa-ah, Kuwa aan hubaysnayn oo ah dadka laga tiro badan yahay (Minority Community)iyo

Maatadda, Waxaana wanaagsan in umadda iska qabtaan qabqablayaasha kooxaha si loo badbaadiyo xaquuqda aadamiga oo hadh iyo habeen gabbal dhac iyo waa guduutaba lagu xad-gudbayo lana xalaalaystay daadinta dhiiga umada, Waa hadii xaquuqda adaamiga ilaalintiisa iyo ka damqashadiisa ay dunidda uu siman tahay isla markaasna aan iska qabanaa madaxda kooxaha hogaamiya. Suxufiyiinta soomaliyeed ayaa uu doortay cali pilot inuu yahay xidiga qoraalada sanadkii 2003

Aqristoow qoraalka oo gabo gabo ku sii socda ayaa waxaan xasuustaa in wargays ka soo bixi jiray magaaldda london oo magaciisa la oran jiray (Sahan-press) uu ahaa wargays aan inta badan wax ku qori jiray sanadihii 97,98,99, Waxaana lahaa labadda wariya oo kala ahaa maxamed xuseen loolow iyo cabdulqaadir xooshoow oo iayagana ka mid ahaa wariyaashii idaacadii raadiyo muqdisho,Hadaba pilot ahaan xiligaasi ayaan qoraalo ciidaas ka badan ku dabacay wargayskaas waliba anoo haaya haatan waxii aan qoray anoo dadweynahana uu soo bandhigi doona haduu alla idmo, Habada hadal badan haan ma buuxiyee waxaan wargayskaasi sahan-press ka qadanayaa tix gabay ah uu tiriyay abwaanka caanka ah ee cabdi gaani, Gabayga waxaa magaciisa la yiraahdaa murugo waxuuna ku soo baxay wargayskaasi sanadkii 15 juun 1999, waana kanaa gabaygii ee ka bogosho wacan....

Soomaali magaceed ba,yoo maaro laga waaye
Madaxweyne iyo dowladnimo wayska maanacaye
Nin masuul ah lagama helin muumin khayr badane
Murugooday goortii xaq iyo diin la maanacaye
Masaafaha dhulkeeniyo xornimo kama macaasheene
Maamul shacabku u wada dhan yahay maanta curan waaye
Mudaniyo marwaba labadu way marin habaabeene
Murugooday goortay qabiil maanka geliyeene
Macdanta iyo beeraha dhulkii miidu wada taalay
Mahiigaanka roobk ah dhulkuu meel walbaba doojay
Maaxdiyo barwaaqada dhulkii mooska laga keenay
Murugooday goortay jirigu milif ka dhowreene
Maangaabku goortuu qabsaday madaxii soomaali
Shacabkaa mataal lehe markuu hoog u malabeeyay
Goortuu mataanaha ka qalay oo mir ku abaadshay
Murugooday goortay bulshada marin habawsheene
Muqdisho iyo kismaayiyo dalkii laysu mari waaye
Marka iyo afgooyaba ninbaa maalin soo dhaxaye
Dariiqyadda makaab bay dhigeen moodhar soo galine
Murugooday goortay anfoco naga maquunsheene
Qabiil laysku maagiyo dhibiyo muranku waa ceebe
Masaakiinta mood laga dhacoon mirana loo reebin
Maatada la cayrteeyay oo meel walbaba taala
Murugooday goortay jirigu baaska mariyeene
Ninkii maal lahaan jiray haddii goor uun laga meershay Maqaawiirta wada liidatoo muuqu gorofoobay
Macaluul ayay ugu dhintaan maalin iyo layle
Murugooday goortay dadnimo meel xun geliyeene
Marwo dumar mashaqo lama gashee waa martabad wayne
Mida kuu dhaxdiyo hooyadaa laga mataalaaye
Waa mayran kula dhalatay iyo muxubo qoordheere
Murugooday goortay gabdhaha marada fiiqeene
Malyuumaadka qaxay oo qurbaha meel walba jooga
Maanyadu kuwii ay cuntoo mowdka ka adeegay
Milga xumada iyo sharaf li,ida maanta naga muuqda
Murugooday goortay wax badan magan ahaadeene
Maslixiyo wanaag kii dalboo maanka diriteeya
Ee aan muquunine bulshada meeriska uu yeersha
Kuwii macalin noo noqon lahaa moolka lagu aasye
Murugooday goortay nin rag ah madaxa gooyeene
Masiibooyinkii nagu dhacaan maanta qirayaaye
Muslinimo markaan diidnay baa moolka noo go,aye
Majaruhu wuxuu noola jabay waa maqruunimo e
Murugooday goortay sharciga daba maryeeyeene
Mas,uuliyad ninkii lagu raroo meel uun lagu aadshay
Oo maamulkii laga rabiyo maalba laga waayay
Oo eexo miisaan la iyo xumo ku meeraystay
Murugooday goortay kursiga madax ahaadeene
Badda moolka waynoo biyaha mowjadu hinraagto
Malaay iyo kalluun shabakadaha lagu majaafeeyo
Maraakiibta iyo doonyihiyo huuri lagu maaxo
Murugooday goortay baxriga midigta gooyeene
Midnimada dalkiyo qaranimadu waa macaanyahaye
Isku duubni kama marantee waa mid uun quraha e
Muraad wada jirkaa lagu helaa meel fog kaa jiraye
Murugooday goortay dalkii qayb uun loo milaye
Intaasoo mashaakilaa dhibaan maanta soo maraye
Minankaan lahayn iyo dhulkii maare ka adeegye
Masiibooyinkii iyo wixii la is majiiraayey
Ilaahii isoo mootiyoow mahadi waa taaye....

Aqriste waxaan ka soo xigtay gabaygaan wargayska sahan-press iyadoo gabaygaasina uu curiyay abwaankii cabdi gaani isla markaasna waxaa lagu dabacay sanadkii 15 juun 1999, Runtiina waxaan uu soo qaatay gabaygaan anoo og in muddo badan shir ugu socda dalka keenya soomalida iyadoo dalalka caalamka ay indhaha ku hayaan in shirkaas lagu dhiso dowlad soomaliyeed ayay ila noqotay inaan faaladaan ku soo afjaro gabaygii cabdi gaani, Qof kastaana waxaa fiican hadii uu gabay soo qaata inuu ku xuso gabaygaasi qofkii lahaa Aqristoow qoraalkii intaas ha inoo jooga maanta bye..


Qore - Pilot



Dayaxnet